Home
About Us
Energy Assistance
Homeownership
Board of Directors
Financial Management
Community Outreach
Other Languages
Contact Us

Links of Interest
Current Job Openings
2006 Annual Report
Community Clinics
Fall 2007 Newsletter
Home Stretch Classes
Employment Counseling
Press Room
Service Locator
Calendar of Events

Related Organizations
Comm. Action Partnership
MN Community Action
MN Council for Nonprofits
Dept. of Human Services Network for Good
US Department of HUD
MN Housing Finance Agcy.
Hennepin County
JNC Wage & Budget Calc.
More Links of Interest
Join Our Mailing List
Email Address:

Google

Yaanu Nahay

Hay’adda Waxqabadka Bulshadda ee Degaanada Dibedda Ka ah Hennepin waa hay’ad wax u qabata dhammaan dadka ku dhaqan degaanada dibedda ka ah degmada Hennepin si ay wax uga tarto nolosha dadka dhaqaalahoodu hooseeyo.

Intaa waxaa sii dheer in Xarunta Qorsheynta iyo Horumarinta ee na hoos timaada ay ka caawiso hay’adaha samafalka iyo adeegyada sidii ay u noqon lahaayeen kuwo miro dhal ah. Waxaan qabannaa adeegyo kala duwan oo loogu talagalay inay kaa caawiyaan hadba baahida uu ururkaagu ama hay’adaadu ay qabto. Adeegyadaas waxaa ka mid ah qorsheyn istaraatiijiyad ku salaysan, taageero xagga isku dubaridka ah, taageero xaga farsamada iyo kumbuyuutarada ah, iyo caawimaad dhinaca horumarinta bulshada ah.  

Ujeedadeena

Ujeedadeenu waa inaan wax ka tarto horumarinta tayada nolosha ka jirta degaanada dibedda ka ah degmada Hennepin iyadoo la adeegsanayo waxqabad, waxbarasho iyo iskaashi si loo abuuro loona xoojiyo xiriirada ka dhexeeya dadka iyo beelahaba.

Mabaadii’deena Hay’adeed

· Waxaan aaminsannahay... in qof kasta oo ku nool degaanada dibeda ka ah Hennepin uu helo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha.

· Waxaan aaminsannahay... in macnaha oraahda beel uu yahay masuuliyad qof walba dusha ka saaran.

· Waxaan aaminsannahay... in dadka la wargeliyo ayna ka shaqeeyaan mustaqbalkooda, iyo in haddii dadka la wacyi gailyo lana wargeliyo ay ku dhaqaaqi doonaan tallaabooyin noloshooda wax ka taraya.

· Waxaan aaminsannahay... in markii ay shakhsiyaadka, qoysaska, iyo hay’aduhuba ay awoodooda meel isugu geeyaan ay abuuri karaan beelo waxqabad dhab ah u jiheysan.

· Waxaan aaminsannahay... in dadku aysan kala maarmin sidaa daraadeedna aan siino fursado ay wax u wada qabsadaan iyagoo mid ah. Kan wax loo qabanayo iyo kan wax qabanayaba dantoodaa ku jirta iskaashigaas.

· Waxaan aaminsannahay... in hay’aduhu ay u shaqeeyaan dadkii loo aasaasay, taas daraadeedna waxaan meesha ka saarnaa wax kasta oo dadkaas ka hor istaagaya inay go’aan sameynta hay’adda ka qeyb qaataan.

· Waxaan aaminsannahay... in aan qabano adeeg tayadiisu sareyso iyadoo la fulinayo mashaariic laga fekeray, maamul xilkasnimo ku dhisan, waxqabad dhinacyo badan leh, iyo dad la dhaqan is qadarin iyo isu naxariisasho ay sal u yihiin.

Yoolkaa aan Higsanayno

Hay’adda Waxqabadka Bulshadda ee Degaanada Dibedda Ka ah Hennepin waxay ahaandoontaa hay’adda ugu weyn ee la dagaallanka saboolnimada ee ka jirta degaanada dibedda ka ah Degmada Henneip.

Barnaamijka Kaalmada Tamarta Korontada

Barnaamijka Kaalmada Tamarta Korontadu wuxuu kaa caawindoonaa bixinta kharashka korontada—sida biilasha kuleyliyaha inta u dhexeysa 1da Oktoobar iyo 30ka Sibteembar sanad walba. Hadii aad xaq u leedahay, waxaad helidoontaa deeq lacageed oo aad ku bixindoontid qayb ka mid ah biilashadaada korontada.

Hadii aad xaq u yeelatid Kaalmada Tamarta Korontada waxaad kaloo dhici karta inaad xaq u yeelatid adeegyada maareynta cimilada. Adeegyadaan waxay yareyn karaan korontada aad isticmaashid iyo biishada kaaga baxa korontada. Dayactir iyo bedelis kuleyliyaha ah oo lagaa caawinayaana way jiraan. Halkan guji si aad u heshid faah-faahin dheeraad ah.

Yaa xaq u lehkaalmada tamarta Korontada?

Qofkii guri uu leeyahay degan iyo kii guri ijaar ah ku jiraaba xaq bay u leeyihiin kaalmadaas. Xataa dadka degan guryaha ijaarka ah waxaa laga yaabaa inay xaq u yeeshaan kaalmadaas.

Ma khasabbaa inaad lacagta kaalmada ah aad dib u bixisid?

Maya. Kaalmada Tamarta Korontadu waa deeq lacageed ee maaha deyn. Ma aha inaad dib u bixisid.

Waa maxay qaacidada lagu ogaado dadka dakhligooda?

Xaq u lahaanshaha Kaalmada Tamarta Korontada waxaa laga ogaadaa dakhliga guud (lacagta kusoo gasha oo dhan kahor intaan canshuurta laga goyn) ee kusoo gala saddex bilood. Dakhligaagu waa inuu yahay ama ka yaryahay heerarka soo socda ee qaacidadu muujineyso.

Qaacidada Kaalmada Tamarta Korontada ee Sanadka 2004

Tirada Qoyska

Dakhliga ugu Badan ee soo Gala Saddex Bilood

1

 

2

 

3

 

4

 

5

 

6

 

Sidee u Dalban Karaa?

Waa in foomamka codsiga la buuxiyaa is aad u heshid Kaalmada Tamarta Korontada. Codsiga waxaa laga soo daabacan karaa xiriirka internetka ee hoos ku qoran ama waxaad telefoonkan: (952) 930-3541 kala asoo xiriirtaa hay’addeena, inta u dhexaysa 9:00 subaxnim - 3:30 galabnimo, Isniinta illaa Jimcaha ama farriin iimayl ah noogu soo dir: eap@cashenn.org.

Kaalmada Guri Iibsashada

Hay’adda Waxqabadka Bulshadda ee Degaanada Dibedda Ka ah Hennepin waxay af-Soomaali ku qabataa adeegyo buuxa oo ka kaalmeeya dadka dhaqoolahoodu hooseeyo sidii ay guri u u iibsan lahaayeen.

Xarunta Guri Iibsashada ee Hay’addan waxay kula talineysaa inta aadan guri iibsan iyo markii aad iibsatidba, waxay kaloo kaa caawineysaa ka hortagga in bangigu gurigaaga dib ula wareego, iyo waliba daryeelka gurigaaga. Waxaan ogolaansho inaan bixin karno talooyin guriyeyn ah ka heysanaa Waaxda Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka (HUD) ee dawladda federaalka ah, manhajkayaga guri iibsashaduna wuxuu buuxinayaa ama ka sarreeyaaba shuruudaha ay dejiyeen hay’adaha kala ah HUD, MHFA, Fannie Mae iyo Freddie Mac programs. 

Adeegyada Qorsheynta iyo Horumarinta

Xarunta Qorsheynta iyo Horumarinta ee Hay’addan waxay qabataa adeegyo ka caawinaya in hay’addaadu noqota mid guuleysata. Waxaanu qabanaa taageero xaga isku dubaridka ah, caawimaad xaga farsamada ah, barnaamijyo bandhigid ah, horumarinta bulshada, xiriirin/xoojin, iyo adeegyo kale. Hay’addani waxay adeegyadeeda gaarsiisaa dadka aan Af-ingiirisiga ku hadlin iyadoo adeegsanaysa tarjubaanno iyo iyadoo macluumaadkeeda u tarjunta afafka kale. Waxay kaloo Hay’addani qabataa tababarro la xiriira baraarujin iyo u-dhugyeelasho xaga dhaqamada ah (tusaale, waxay abaabushaa barnaamijyo la xiriira aqoonta loo leeyahay dhaqamada kala duwan).

Adeegyada Latalinta Maareynta Lacagta

Hay’addan waxay qabataa tababarro ah qorsheynta lacagta taasoo aad muhiim ugu ah hormurka iyo mustaqbalka qofka. Hay’addani waa mid og muhiimadda qorsheynta lacagta iyo dhawridda sumcadda lacag maareyntu ay leeyihiin. Waxaan bixinaa talooyin qiimo leh oo kaala talinaya heshiisyada lacageed ee aad u baahantahay inaad ka fogaato, waxaan kaloo dadka barnaa laba hab oo qofku u horumarin karo mustaqbalkiisa lacageed.

Sida naloola soo Xiriiri Karo

Hay’adda Waxqabadka Bulshadda ee Degaanada Dibedda Ka ah Hennepin

Community Action Partnership of Suburban Hennepin
33 Tenth Avenue South, Suite 150
Hopkins, Minnesota 55343
[Tilmaan (Map)]

Telefoon (952) 933-9639
Fakis (952) 933-8016
info@capsh.org

Saacadaha Shaqada
Isniin - Jimce
8:00 subaxnimo - 4:30 galabnimo
Hay’addani way u debaal degtaa munaasabada heer gobol ah oo dhan.

Telefoonka Sida Loo Helo Kaalmada Tamarta Korontada
(952) 930-3541

Telefoonka Isdiiwaangelinta Tababarrada

Home Stretch Workshop Registration Line
(952) 933-9639 x281

Xiriiro Kale oo aad Danaynaysid

Xaqa aad u leedahay turjubaan, Halkan Riix.

Kor ku noqo

 

Our Vision ~ CAPSH will be the preeminent poverty fighting agency in suburban Hennepin County.
About Us | Contact Us | Press Room | Other Languages| Login| ©2005 Community Action Partnership of Suburban Hennepin